Waxa nagu saabsan
Aragti fog
TWR360 waxay ka gudubtay xuduudaha luuqadaha waxayna u gudubtay helista macluumaadka si kuwa xiriirka la leh ay u degistaan, oo u dhegaystaan una akhristaan iliilaha waxbarasho ee suugaanta masiixiyiinta si ay ugu koraan la socoshada Masiixa maalin waliba.
Hawl
TWR360 waxay diiradda saartaa kuwa isticmaala shabakadaha iyo mobaylada iyadoo sii kordhinayso hawlaheeda warbaahineed taasoo lagu kaalmaynayo sidii loo kaamili lahaa hawsha baaxadda weyn leh ee Masiixa.
- Waxaana cid kasta loo sahlaya, goor kastaba iyo goob kasta oo ay ku sugan yihiin, inay helaan ku xirnaanshaha macluumaad ku qoran kuna hadlaya luuqaddooda hooyo iyadoo loo marinayo computerada ama mobayladooda casriga ah
- Xiriiriyayaasha masiixiyiinta waxaa la siinayaa agabyo la ururiyey oo siyaabo kala duwan u shaqaynaya si ay ugu baahiyaan Insaanka, una gaarsiiyaan farriimaha iyadoo ay ka garab shaqaynayaan hay’ado kale oo waaweyn iyo kuwa yar-yar.
- Iyadoo door muuqda kaga jirta adeegga ayaa TWR360 u sahlaysaa dadka inay helaan barnaamiyo sii kordhaya oo laga tebiyo idaacado aan kharash kuugu fadhiyin, oo laga maqlo meel kasta oo aan xad iyo xuduud lahayn.
Waxa ku saabsan TWR.
Maaddaama si faseex ah ay ugu hadasho in ka badan 230 luuqadood iyo lahjado, ayaa TWR u taagan tahay inay dunida gaarsiiso Ciise Masiix. Warbaahintayada caalamiga ah waxay gaartaa malaayiin dad ah oo ku nool in ka badan 160 waddan, si loo gaarsiiyo runta kitaabka Qodduuska ah ee Baybalka. Ku dhowaad 60 sannadood, waxaa Ilaah awoodsiiyey TWR inay ku caawiso dadka inay shaki baxaan oo oo go’aansadaan inay raacaan Masiixa.
Iyadoo wadata is-bahaysi caalami ah, kiniisado iyo hay’ado, ayaa TWR soo saartay barnaamijyo ku habboon dadka iyo macluumaad khuseeya wehelnimada, waxayna leedahay weliba shaqaale u go’ay inay shakhsiyaadka iyo beelaha caalamkaba gaarsiiyaan rajo. Hadday ahaan lahayd in lagu gaaro mawjadaha gaagaaban, kuwa dhexe, FM, ama macluumaad la soo mariyey shabakadaha internetka, iyo kormeerka dhegaystayaasha, ayaa TWR waxay ka tegaysaa raad aan tirtirmin oo xagga ruuxa ah